MUQDISHO – Cutubyo ka tirsan Guutada 22-aad ee Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dalka Turkiga loogu qabtay munaasabad qalin-jebin ah, kaddib markii ay soo dhammeysteen tababar ciidan oo lagu horumarinayay aqoontooda iyo xirfadahooda milatari.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu tayeynayo awoodda iyo hufnaanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyada gaarka ah ee Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata howl-gallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.
Munaasabadda qalin-jebinta ayaa muujinaysa iskaashiga dhinaca milatariga ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo muddooyinkii dambe xoogga lagu saarayay tababarka, qalabeynta iyo kor u qaadista awoodda ciidamada Soomaaliyeed.
Tababarro noocan oo kale ah ayaa muhiim u ah dhismaha ciidan qaran oo leh aqoon, xirfad iyo awood uu kula tacaalo caqabadaha amni ee dalka, isla markaana si hufan u gudan kara waajibaadka difaaca dalka iyo ilaalinta amniga shacabka.




