Soomaaliya oo ka qaybqaadatay Carwada 9-aad ee Caalamiga ah ee Soo-dejinta Shiinaha (CIIE)

0

Shanghai, Shiinaha – Carwada 9-aad ee Caalamiga ah ee Soo-dejinta Shiinaha (China International Import Expo – CIIE) ayaa ka furantay magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ka qaybgalaya bandhiggan caalamiga ah oo lagu soo bandhigayo fursadaha ganacsi, maalgashi, wax-soo-saarka iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalalka kala duwan.

 

Munaasabadda furitaanka carwada waxaa Soomaaliya ku metelayay wafdi heer Federaal ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Jamaal Maxamed Xasan.

Wafdiga waxaa qayb ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Agaasimaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska, saraakiil ka kala socday wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Xannaanada Xoolaha, Batroolka iyo Macdanta iyo Hawlaha Guud, iyo sidoo kale ganacsato Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa carwada ku soo bandhigtay wax-soo-saarka dalka, khayraadka dabiiciga ah, fursadaha maalgashi iyo muuqaallo ka tarjumaya dhaqanka, dalxiiska iyo hantida dabiiciga ah ee dalka. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray khayraadka macdanta Soomaaliya, noocyada kala duwan ee macdanta laga helo dalka iyo goobaha ay ku kala sugan yihiin, si loo soo jiito maalgashadayaasha iyo shirkadaha caalamiga ah ee danaynaya ka faa’iidaysiga khayraadka dalka.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa diyaarisay goob gaar ah oo lagu soo bandhigayo khayraadka dabiiciga ah iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha iyo hawlwadeennada safaaradda ayaa door ka qaatay diyaarinta goobta iyo habsami-u-socodka ka qaybgalka wafdiga, iyagoo sidoo kale fududeeyay adeegyada iyo baahiyaha wafdiga dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Labadii maalmood ee uu socday bandhiggu, goobta Soomaaliya ee carwada ayaa noqotay meel ay booqdeen dad badan oo ka qaybgalayay munaasabadda, kuwaas oo muujiyay xiise ku aaddan khayraadka dabiiciga ah, wax-soo-saarka iyo fursadaha maalgashi ee dalka.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee carwadan ayaa fursad u ah in ganacsatada iyo maalgashadayaasha caalamiga ah loo soo bandhigo awoodda dhaqaale ee dalka, gaar ahaan khayraadka macdanta, xoolaha, wax-soo-saarka gudaha iyo fursadaha ka jira qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha.

Sidoo kale, bandhiggan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo la doonayo in la abuuro iskaashi cusub oo ka qaybqaata kobcinta dhaqaalaha, dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here