Daawo: Askari sabab la yaableh u dilay askari kale oo ay saaxibo ahaayeen

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaas oo loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowlada.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jibriil Xasan Cali, wuxuun ka tirsanaa guutada 14-ka October ee Xoogga dalka, waxaana dilay askari kale oo ka tirsan ciidamada Gorgor, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay.

Labada askari ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen saaxibo, isla-markaana ay wada-daganaayeen guri ku yaalla xaafadda Miijiska, balse uu muran soo kala dhex-galay.

Mid ka mid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inuu muranka ka dhashay, kadib markii askariga dilka geystay oo ay la socotay gabar uu ka dalbaday saaxibkiis inuu u banneeyo qolka, si uu ugu shukaansado gabadha, balse uu taasi ku gacan seeray askarigii kale, kadibna uu sidaasi ku dilay.

“Wuxuu dhahay qolka iiga soo bax, shukaansi ayaan ku galaa haddaad diidana waan ku dilaa, waana ku shukaansanaa,” ayuu yiri askari la dilay walaalkiis oo la hadlay Shabelle.

Dhacdadan ayaa waxa ay la yaab ku noqotay dadka dariska ah, waxaana aad looga hadal hayaa baraha bulshada, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amaanka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here