DF oo how-gal ka dhacay Muqdisho ku qabatay shabakad hubeysan

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada sida gaarka u tababaran ee nabad sugidda ayaa xalay howl-gallo waxa ay ka sameeyeen degmada Kaxda & Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Howl-galladan ayaa intii ay socdeen ciidamada waxa ay si toos u galayeen guryaha gaar iyo sidoo kale goobo si gaar ah bar-tilmaameed ugu ahaa.

Hay’adda NISA ayaa shaacisay in howl-galladan lagu soo qabtay shabakad isku xiran, kana tirsan Xarakada Al-Shabaab, taas oo ka shaqeyn jirtay galbeedka gobolka Banaadir.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay hubka fudud, rasaasta hoobiyeyaasha, bambaanooyin iyo RBG, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay NISA.

Muuqaallo lasoo duubay inta ay howl-galka wadeen ciidamada ayaa sidoo kale muujinayo hub fara badan oo laga soo bixinayo dhulka hoostiisa.

Qoraalka kasoo baxay NISA, qeybteeda gobolka Banaadir ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in shabakadda la soo qabtay ay ka kooban tahay rag iyo dumar.

Ugu damgbeyn haya’adda nabad sugida ayaa shaacisay in ciidamada ay ku daba joogaan koox kale oo haatan baxsad ka ah laamaha ammaanka Soomalaiya.

Howl-galkani ayaa imaanaya, iyada oo maalmiihii u dambeeyey amaanka Muqdisho laga dareenayey, sabab la xariirta qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here