Daawo: Maamulka gobolka Banaadir oo ka jawaabay cabashada Bajaajleyda

0

MUQDISHO (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa jawaab rasmi ah ka bixiyay cabasho kasoo yeertay Bajaajleyda ka howlgasha magaalada Muqdisho oo sheegay in lagu soo kordhiyay lacago dheeraad ah.

 

Afhayeenka gobolka Saalax Xasan Cumar oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in lacagahaas oo dhan 25 dollar uusan wax shaqo ku lahay maamulkooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lasoo qabtay rag shirkado leh oo iyagu lacagahaas sharci darrada ah ka qaadayay Bajaajleyda, taas oo lagu sheegay badqabka mootada.

“Bajaajleyda lagama qaadi karo Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa ee ku waajibay, waxaana gacanta lagu soo dhigay shirkado lacago ka qaadaayay Bajaajleyda” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here