Daawo: Macallin lagu dhex dilay iskuul ku yaalla degmada Wadajir

0

MUQDISHO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday degmada Wadajir, kadib markii macallin lagu dhex dilay iskuul ku yaalla degmadaasi.

 

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Macalow Abiikar, wuxuuna kamid ahaa macallimiinta iskuulka Siidii ee degmada Wadajir.

Wararka ayaa sheegaya in Macallinka lagu dilay Toorey, kadib markii uu soo weeraray wiil la dhashay gabar kamid ah ardayda iskuulka oo uu canaantay marxuumka.

Maamulaha iskuulka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in eedeysanaha oo hadda baxsaday uu horay iskuulka ugu dhigan jiray agoonimo, haddana uu dil ka gaystay.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here