Wasiirka difaaca Soomaaliya oo xiriir la sameeyay dhiggiisa dalka Imaaraadka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Difaaca JFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo khadka taleefonka kula hadlay Wasiiru Dowlaha Difaaca ee Dowladda aan walaalaha  nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa uga tacsiyeeyay xukuumadda, shacabka iyo ciidanka dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka geerida saraakiisha Imaaraadka ahaa ee ka dhalatay weerarki argagixiso ee ka dhacay xerada Goordan.

 

Saraakiisha geeriyootay ayuu sheegay wasiirku in ay yihiin halyeeyo sumad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo dib u dhiska dowladnimada soomaaliyeed.

Waxa uuna rabbi uga baryay in uu u naxariisto shuhadada, inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo, ehelkoodina samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu hubinayo wixi dhacay, iyo in falka argagixisada ee fulaynimada ahi uusan waxba u dhimi doonin xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee laba dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here