Dagaallo culus oo dib uga billowday dalka Afgaanistaan

0

Dooxada Panjshir ee Afgaanistaan oo ah meesha kaliya ee aanan ku jirin gacanta Kooxda Daalibaan  ayaanan weli kala caddeeyn  cidda gacanta ku hayso xilli uu soconayo dagaal culus.

Warar ay faafiyeen Maleeshiyaadka Daalibaan ayaa lagu sheegay inay qabsadeen aaggaasi, hasayeeshee dagaalyahannada wax iska caabbinta ayaa arrintaasi beeniyay.

Amrullaah Saalax oo ka mid ah  sarakiisha xooggaga wax iska caabbinta,  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay halkaas isaga baxeen, hasayeeshee waxa uu sheegay in  xaalku uu adag yahay.

Dagaalka ka soconaya Dooxa Panjshir ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen boqollaal qof oo labada dhinac ah.

Dooxadan oo ku taallo waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kabul, ayaa ah goobta kaliya ee aanan wali gelin gacanta maleeshiyada Daalibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here