DF oo shaaca ka qaaday in duqeyn lagu dilay 18 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

AFGOOYE (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal iyo duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday qaybo kamid ah Sh/Hoose.

 

Weerarkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalla iyo Saaxibada Caalamiga ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaannada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim oo ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose, kadib markii la helay xog ku saabsan in maleeshiyaad Khawaarij ah ay si dhuumaalaysi ah isugu aruursanayaan beero ku yaalla deegaanadaas” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu yarana 18 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaan, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale goobaha laga sameeyay howlgallada waxaa hadda ku sugan ciidanka dowladda, kuwaasi oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana ka socda howlgallo culus oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here