Faah-faahin ku saabsan dil xalay ka dhacay magaalada Cadaado

0

CADAADO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ganacsade caan ahaa loogu geystay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

 

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacabi jiray, Cabdullaahi Ciise Shabeel, wuxuuna ka mid ahaa ganacsatada deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu geystay nin kale oo shacab ah, kaas oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka.

Taliyaha saldhigga booliska Cadaado, Maxamed Cadceed ayaa inoo sheegay in ay murmeen labada nin, kadibna uu dhex-maray gacan ka hadal sababay geerida marxuumka.

Sidoo wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaris ku aadan dhacdadaasi, isla-markaana lasoo xiray eedeysanaha geystay dilka.

Cadaado iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal, kuwaas oo qaarkood salka ku hayo aanooyin qabiil, waxaana ugu dambeeyay carruurtii todobaadkii hore lagu laayay xadka gobolka Galgaduud iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here