DF Soomaaliya oo ka warbixisay shir ay uga qeyb gashay dalka Morocco

0

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa ka warbixiyay shir uu uga qeyb-galay dalka Morocco, halkaasi uu ka dhacay shirka hay’addaha Duulista ee Jaamacadda Carabta.

Wasiir Duraan ayaa sheegay in shirkaan seddexdii sano mar la qabto, laguna doorto Guddoonada hay’addaha  Duulista , kaasi oo noqonayo kii 26-aad oo ay yeeshaan wadamada ku bahoobay hay’adda duulista ee Jaamacadda Carabta.

Shir guddoonka waxaa ahaa sanadkaan dalka Lebanon oo kala wareegtay wadanka Kuwait waxaana shirkaan uu muhiim u yahay arrimaha hay’addaha duulista.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in kulanka uu muhiim u yahay hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed, maadaama ay dowladdda Soomaaliya la wareegtay maamulka hawadeeda.

Ugu dambeyntii shirkaan hay’adda duulista ee Wadamada Jaamacadda Carabta sanadkaan waxaa ka qeyb-galay 21- dal, waxaana dowladda Soomaaliya ay rajeyneysaa inay mar kale kusoo laabato shir guddoonka, maadaama muddo ka badan 30 sano dalka uu bur bur ku jiray, isla markaana dhamaan adeegyadii dowligu ay ku bur bureen, balse haatan wax badan laga soo kabsaday, waxaana shirka ku wehlinayay Maareeya Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here