DF Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha ka dhashay daadadka ku dhuftay dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Mahamuud Moallim Abdulle oo xalay warbaahinta kula hadlay xarunta howlgalada gurmadka deg-degga ah ee NEOC ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan daadadka ku dhuftay qaybo kamid ah dalka.

 

Maxamuud Macallin ayaa ka hadlay khsaaraha ka dhashay roobabkii ka da’ay qaybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo gaystay khasaare iskuugu jira dhimasho iyo dhawaac iyo mid hantiyadeed.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka ay saameyeen roobkaan ay gaarayaan 850,000 oo qof, dhimashadana ay marayso ilaa 29 ruux, loona baahanyahay in bulshada taxadarto oo la caawiyo walaalaha kale ee Soomaaliyeed ee ku nool Gedo, Bakool, Baay iyo qaybo kamid ah gobollada dalka oo saameyn roobkaan ay ka soo gaartay.

Soomaaliya oo haatan ku jirtay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ayaa haddane waxaa ugu sii darsoomay xaalad adag oo ka dhalatay fatahaado ku dhuftay qaybo kamid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here