Hoos u dhac ku yimid Dakhligii Kenya ay ka heli jirtay Shirkadaha bixiya adeegyada Teleefanka gacanta

0

MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Dhakhliga dowladda Kenya ka heli jirtay shirkadaha bixiya adeegga Taleefanka gacanta ayaa hoos u dhacay 20% kadib canshuuro xoogan oo isdaba jog ah oo la saaaray shirakadaha taasi oo hoos u dhigtay isticmaalka mobilada.

 

Kenya, Tanzania iyo South Sudan ayaa ah wadamada canshuurta ugu sareysa ka qaada shirkadaha bixiya adeegga Taleefonka gacanta, oo gaaraysa 26%, halka Zambia iyo Uganda saaraan shirkadaha 25% iyo 24%.

Warbixinta siyaasada canshuuraha mobilka  iyo  Horumarinta Dijitaalka oo ay soo saartay  GSMA oo ah isu-tag ka shaqeeya danaha shirkadaha adeegga Mobile-ka bixiya ee adduunka, ayaa lagu sheegay in celcelis ahaan casnhuurtu ay 21% ka tahay qiimaha telefoonada gacanta ee aasaasiga ee internetka ku shaqeeya.

Waxay GSMA intaas ku dartay in canshuurta saameyn togan ku yeelatay hoosna u dhigtay isticmaalka mobile-ka iyo adeegyada la xiriira gudaha Kenya.

Warbixintu waxay sheegaysaa in Kenya canshuurta laga qaado adeegyada mobilada tahay midaa ugu sarreeya Afrikada Saxaraha ka hooseeya (SSA), iyadoo 2018 ahayd 10% ilaa 15%, ka dibna 15% illaa la gaarsiiyey 26%  sanadkii 2021-ka.

Sare u qaadista canshuurta waxay keentay hoos u dhaca adeegsiga telefoonada gacanta, taasi oo horseeday inuu yaraado 20% dakhliga dowladda qasnadeeda soo gali jiray sanad walba, ee ka imaanayay shirkadaha isgaarsiinta.

Warbixint GSMA ayaa lagu sheegay in canshuurahani ay yihiin kuwo aan faa’iido lahayn, iyadoo dadka isticmaala lacag-dirista mobile-ka yareeyeen isticmaalka, iyaga oo door bidaaya hababka kale sida lacagta caddaanka ah.

Sanadihii la soo dhaafay, shirkadaha mobilada ee Kenya ayaa  saameeyey isbedelo ku yimid siyaasadda canshuuraha, taasoo saameyn ku yeelatay macaamiisha iyo dakhliga dowladda.

Tani waxay keentay jahawareer, ku yimid ganacsatada oo culeys xoogan kala kulmay iibka adeegyada mobilka oo qiimahooda sare u kac xoogan ku yimid, iyagoo badankood awoodi kari waayey bixinta kirada iyo mushaarka shaqaalahooda.

Sare u kaca xoogan ee ku yimid adeegga internet ka afrikada saxaraha ka hooseysa ayey warbixintu sheeegtay iney sabab u tahay sare u qaadista canshuuraha laga qaado shirkadaha isgaarsiinta.

Daraasad laga qaaday ku dhawaad afartan wadan ayaa sheegtay in halkii GB ee internet ay saarantahay canshuur dhan 17%, halka dowladaha Kenya, Tanzania iyo South Sudan canshuurtu tahay 26 boqolkiiba, Zambia iyo Ugandana tahay 25 iyo 24 boqolkiiba.

Wadamada Nigeria, Botswana, Angola iyo Koonfur Afrika ayaa ah kuwa ugu canshuurta yar waxa ayna u dhaxaysa 7 ilaa 13 boqolkiiba.

Kenya waxa ay kaalinta afraad kaga jirtaa wadamo ay sahan ku sameysay GSMA oo ay ku sheegtay inee yihiiin kuwa ugu canshuurista badan shirkadaha isgaarsiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here