DF Soomaaliya oo shaacisay kiisas la xiriira cudurka Covid-19

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 42 qof oo cusub 24ii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 7,430.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 29 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Banaadir (17), Puntland (11) iyo Somaliland (1), taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 15,323.

Bukaannada cusub 18 ka mid ah waa rag 11-na waa dumar, 6 bukaan ayaa u geeriyootay COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 804 qof.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo. Maadaama uu markale uu soo ridanayo dad horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here