Doon Ku Qalibantay Xeebaha Jabuuti oo Galaaftay Nolosha Ugu Yaraan 139 Muhaajiriin ah

0

Jabuuti – Ugu yaraan 139 qof, oo ay ku jiraan carruur, ayaa ku dhintay kadib markii doon siday in ka badan 300 oo muhaajiriin ah ay ku degtay xeebaha Jabuuti, iyadoo laga cabsi qabo in tirada dhimashadu ay sii korodho.

 

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa Axaddii sheegtay in doonta ay saarnaayeen 305 qof, kuwaas oo ka safrayay Jabuuti kuna sii jeeday Yemen. In ka badan 80 qof ayaa ka badbaaday musiibada, halka ugu yaraan 84 qof oo kale weli la la’yahay.

Alexandre Coissac, oo ah madaxa hawlgalka IOM ee Jabuuti, ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay in tirada 139-ka qof ay ku jiraan oo keliya dadkii ay aaseen mas’uuliyiinta Jabuuti. Wuxuu sheegay in muhaajiriin kale ay iyaguna aaseen meydad, balse aan weli lagu darin tirada rasmiga ah ilaa ay mas’uuliyiintu xaqiijiyaan.

Coissac ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii dhintay lagu aasay xabaalo wadareed iyaga oo aan magacyadooda la aqoonsan, taas oo uu ku tilmaamay xaalad murugo badan, maadaama aan la ogeyn in qoysaskoodu heli doonaan xog ku saabsan halka ay ku dambeeyeen.

Sida uu sheegay, muhaajiriintu waxay doonta raaceen fiidkii 8-dii Oktoobar, balse doontu waxay degtay wax yar kadib markii ay xeebta ka dhaqaaqday. Sababta ugu weyn ee musiibada ayaa lagu sheegay ciriiriga ka dhashay tirada badan ee dadka saarnaa.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa dadaal ugu jiray samatabbixinta dadka nool iyo soo saarista meydadka, hase yeeshee Coissac wuxuu sheegay in ay ku adkaatay maaraynta tirada badan ee meydadka oo isku mar soo gaarayay xeebta.

Dadka badbaaday ayaa la geeyay xarunta samatabbixinta ee IOM ee magaalada Obock, halkaas oo ay ka helayaan daryeel caafimaad, taageero nafsi ah iyo gargaar kale. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa la sheegay inay xaalad naxdin leh ku jiraan, halka qaar kalena ay durba ogaadeen in xubno ka tirsan qoysaskooda ay ku dhinteen musiibada.

IOM ayaa sheegtay in dhammaan dadka la badbaadiyay ay ahaayeen muwaadiniin Itoobiyaan ah. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in hawlgallada samatabb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here