Muqdisho – Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa beeniyay sheegasho ay maanta baahisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), taas oo la xiriirtay eedeymo loo jeediyay ilaaladiisa oo ka tirsan Ciidanka Qaranka.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynihii hore ayaa lagu sheegay in sheegashada NISA aysan ka tarjumayn xaqiiqada dhacdooyin uu ku tilmaamay kuwo isdaba joog ah oo lagu khal-khal gelinayay deegaanka uu deggan yahay Sheekh Shariif. Waxa uu sidoo kale ka digay warbixinnada uu sheegay in looga dan leeyahay marin-habaabinta shacabka iyo sumcad-dilka siyaasiyiinta mucaaradka.
Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu aqoonsan yahay muhiimadda ilaalinta amniga qaranka, madax-bannaanida hay’adaha amniga iyo dhowrista sharciga, balse wuxuu ku adkeystay in mabaadi’daasi si siman loogu dhaqmo dhammaan muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta dalka, iyadoon loo eegin mowqifkooda siyaasadeed.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay jireen dhacdooyin amni oo walaac abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaado lagu sameeyay isu-socodka agagaarka hoyga madaxweynihii hore. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in la hor istaagay adeegyada daruuriga ah sida biyaha iyo cunnada.
Xafiiska Sheekh Shariif ayaa intaas ku daray in qaar ka mid ah shaqaalaha xaruntiisa la afduubtay, isla markaana ciidamo hubeysan la geeyay goobo ku dhow gurigiisa. Sida lagu sheegay bayaanka, waxaa laga fogaaday tallaabooyin jawaab-celin ah si looga hortago iska horimaad hubeysan, loona ilaaliyo shacabka deegaanka.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in dhacdooyinkaas loo baahan yahay in si dhab ah loo diiwaangeliyo loona xaqiijiyo, isagoo xusay in lala xisaabtami doono cid kasta oo si khaldan u adeegsata magaca dowladnimada.
Wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga qaranka inay ka madax-bannaanaadaan loollanka siyaasadeed, kuna shaqeeyaan sharciga, isla markaana si siman u ilaaliyaan dhammaan muwaadiniinta. Waxa uu sidoo kale taliska NISA ugu baaqay inuu joojiyo waxa uu ku tilmaamay marin-habaabinta shacabka Soomaaliyeed.
Bayaanka ayaa sidoo kale xusay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, oo ay ka mid yihiin saameynta duufaannada, roobabka mahiigaanka ah, barakaca iyo boobka hantida iyo dhulka, isagoo sheegay in xaaladahaasi u baahan yihiin in fiiro gaar ah la siiyo.
Madaxweynihii hore ayaa ka digay in dhacdooyinka amni ama eedeymaha aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin loo adeegsado cadaadis siyaasadeed iyo cabsi-gelin ka dhan ah mucaaradka. Wuxuu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay u baahan tahay miyir-qab, mas’uuliyad iyo hoggaan ka fogaada tallaabooyin horseedi kara iska horimaad hubeysan.
Sheekh Shariif ayaa mas’uuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha tallaabo sharci-darro ah ama kicin karta iska horimaad dusha ka saaray xukuumadda. 





