Dowladda Soomaaliya oo diyaarisay ciidamo amniga kala wareega ATMIS

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan ammaanka dalka, kadib markii uu soo dhammaaday shir guud oo ay amniga ka yeesheen saraakiisha Booliska Soomaaliyeed.

 

Sadiiq Doodishe aya sheegay in dowladda dhexe ay diyaarineyso ciidamo boolis ah oo amniga la wareega marka ay ATMIS ka baxdo dalka, bisha December ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadaas la gaarsiin illaaa 40 kun oo 20 kun kamid ah ka imaaneyso dowladda federaalka, halka 20 kun ee kalena loo qaybinayo 5 maamul goboleed ee dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda federaalka ay ku howlan tahay la dagaalanka Al-Shabaab, kaas oo sanadkii lasoo dhaafay deegaano badan lagu xoreeyay, kadib markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay howlgallo wadajir ah ka bilaabeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here