Dowladda Soomaaliya oo loo diray baaq la xiriira dagaalka Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Ayada oo weli ay taagan tahay xiisadda dagaal ee magaalada Laascaanood ayaa waxaa dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay kaalin ka qaadato xalinta xiisaddaasi.

 

Maxamed Xaadir Nuur oo ah falanqeeye siyaasadeed, isla-markaana si dhow ula socdo arrinta Laascaanood ayaa ku amaanay dowladda Soomaaliya sida daganaanta leh ee ay u wajahday dagaalka u dhexeeya SSC-Khaatuma Somaliland.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay dadaalkeeda kordhiso, isla-markaana ay miiska wada-hadalka isugu keentay labada dhinac, si loo qaboojiyo xaaladda ka jirtay gobolka Sool.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dagan tahay xaaladda guud ee magaalada Laascaanood, inkastoo weli labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan qaybo kamid ah gobolka Sool.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, laakin dagaalladan ayaa qaatay illaa 8 bilood oo xiriir ah, waxaana ku dhintay dad badan oo shacab ah, kuna barakaceen kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here