Xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed oo kulamo ka wada magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Siyaasiyiinta kasoo jeeda Koofur Galbeed ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo ka wada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda maamulkaasi.

 

Xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxweyne Laftagareen ayaa maanta magaalada Muqdisho kulamo kulmay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Michael Nithavrianakis, ayaga oo kala hadlay arrimo quseeyo xaaladda dalka, gaar ahaan deegaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ay safiirka kala hadleen arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, doorashada Koonfur Galbeed iyo fulinta heshiiskii horay loogu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sidoo kale waxa ay codsadeen in xubana beesha caalamka ay qaataan doorka kaga aadan taaageerida doorasho wadar ogol ah oo ka dhacda Koonfur Galbeed, si looga gudbo muranka haatan ka taagan ee u dhexeeya mucaaradka iyo madaxweyne Laftagareen.

Horay siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa waxaa shirar kala duwan ay ku yeesheen magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kuwaas oo ay ku dhaliileen hanaanka uu wax ka wado maamulka Koonfur Galbeed, ayaga oo sheegay in uusan muuqan diyaar garow ku aadan doorashada soo socota.

Si kastaba, xubnahan oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay dalabkooda ku aadan qabashada doorashada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here