Tripoli, Liibiya – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa magaalada Tripoli kulan kula yeeshay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Liibiya, Mudane Rashiid Abuu Qaffah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo maaliyadeed ee labada dal, ballaarinta xiriirka dhinacyada dhaqaalaha iyo taageeridda horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo kordhin lahaa dhoofinta xoolaha nool ee Soomaaliya, loona ballaarin lahaa fursadaha ganacsi ee xoolaha Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan suuqyada dalka Liibiya.
Wadahadallada ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Liibiya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maaliyadda iyo ganacsiga, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo labada dal ka dhexeeya.
Iskaashiga dhinacyadan ayaa muhiim u ah kobcinta ganacsiga, ballaarinta suuqyada ay Soomaaliya u dhoofiso xoolaha nool iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee labada dowladood.




