Asmara – Dowladda Eritrea ayaa si adag ugu eedeysay Imaaraadka Carabta inay waddamada Afrika ka wadaan waxa ay ugu yeertay “gumeysi ku salaysan dekedaha”, iyadoo si gaar ah walaac looga muujiyay ballaarinta saameynta Abu Dhabi ee dekedaha istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika, oo ay Soomaaliya kamid tahay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Osman Saleh, ayaa sheegay in joogitaanka Imaaraadka ee dekedaha gobolka uusan ku koobnayn dano ganacsi, balse uu xambaarsan yahay arrimo istiraatiiji ah oo ay tahay in dowladaha Afrika si dhab ah u eegaan.
Eritrea ayaa tilmaantay in shirkadaha Imaaraadka laga leeyahay, gaar ahaan DP World, ay door muuqda ku leeyihiin dekedaha Geeska Afrika, iyadoo shirkaddu maamusho dekedda Berbera ee Somaliland, halka ay sidoo kale door ku leedahay dekedda Boosaaso ee Puntland. Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya, maadaama dekedaha Berbera iyo Boosaaso ay ku yaallaan meel istiraatiiji ah oo ku dhow Gacanka Cadmeed iyo marinnada muhiimka ah ee isku xira Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.
Eritrea ayaa sheegtay inay horay u diiday isku dayo la xiriiray in DP World ay saldhig ka sameysato dalkeeda, iyadoo sidoo kale ka hor timid qorshe la sheegay inuu Imaaraadku doonayay in saldhig militari looga sameeyo Jasiiradaha Dahlak. Imaaraadka ayaa horay saldhig militari ugu lahaa magaalada Assab ee Eritrea, kaas oo door ku lahaa howlgalladii milatari ee uu Sacuudigu hoggaaminayay intii uu socday dagaalka Yemen.
Hadda, indhaha ayaa si gaar ah loogu jeediyay Soomaaliya, oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, isla markaana ku taalla meel isku xirta Gacanka Cadmeed, Badweynta Hindiya iyo marin-biyoodka Badda Cas. Joogitaanka Imaaraadka ee dekedaha Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe noqday arrin siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan xiriirka Abu Dhabi la leedahay Somaliland iyo Puntland, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay marar badan muujisay walaac ku saabsan heshiisyo iyo maalgashi dekadeed oo aan la marin dowladda dhexe.
Eritrea waxay sidoo kale dhaliishay xiriirka Imaaraadka uu la leeyahay Itoobiya iyo Israa’iil, iyadoo ka digtay in quwadaha shisheeye ay sii ballaarinayaan saameyntooda Geeska Afrika xilli gobolka uu durba wajahayo khilaafaad siyaasadeed iyo loollan amni. Dooda cusub ayaa Soomaaliya u yeelaysa muhiimad gaar ah, maadaama xeebaha dalka iyo dekedihiisu ay noqdeen goob ay ku hardamayaan dano ganacsi, militari iyo juqraafi-siyaasadeed.
Sidoo kale, waxaa sii xoogeysanaya doodda ku saabsan cidda leh awoodda go’aaminta heshiisyada waaweyn ee la xiriira dekedaha iyo kheyraadka badda Soomaaliya, iyadoo loollanka ka socda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed uu si toos ah u saameynayo mustaqbalka istiraatiijiyadeed ee dalka.




