Muqdisho, Soomaaliya: Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka WFP-Somalia, Mudane Hameed Nuru.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta Wasaaradda Beeraha iyo WFP, gaar ahaan qorshayaasha iyo barnaamijyada la qorsheynayo in la fuliyo sannadka 2027. Labada dhinac ayaa isku afgartay in la dardargeliyo is-waafajinta qorshayaasha shaqo ee 2027, si loo mideeyo qorshayaasha mudnaanta u leh labada dhinac.
Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday xoojinta Barnaamijka Quudinta Dugsiyada (School Feeding), iyadoo la kobcinayo wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta iskaashatooyinka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardargelinta digitalization-ka beeraha, si loo casriyeeyo xogta, adeegyada iyo hababka horumarinta wax-soo-saarka beeraha.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sugnaanta cuntada, horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo kobcinta nolol-maalmeedka beeraleyda Soomaaliyeed.






