Faah faahino kasoo baxaya duqeymo markale ka dhacay gobolka Gedo

0

CEELWAAQ (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in markale diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka geysteen gobolkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa ka dhacday deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay ku dhaqan yihiin dad xoolo dhaqato ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarkan dhanka cirka ah uu khasaare u badan dhaawac kasoo saaray dad shacab ah oo ku sugnaa halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Gedo iyo dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Kenya ayaa inta badan duqeymo dhanka cirka ah ka fulisa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ka howl-galaan ciidamadeeda ku jira AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here