Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay saraakiil ka socotay milateriga Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa u qeybsanaha arimaha Ciidanka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiishan ayaa ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka iskaashi ee dhanka Milatariga ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Saraakiisha ka socotay dowladda Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay sii laba jibaari doonaan tababarka iyo qalabeynta Ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa kaalin ka qaadatay tababarista Ciidamada Milateriga Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska ee  Gogor iyo Ciidanka  Booliiska gaarka ah ee Harmacad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here