Faah-faahino kasoo baxaya qarax lagu dhaawacay guddoomiye ku xigeen degmo

0

RUUN-NIRGOOD (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay duleedka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmada Ruun-nirgood iyo deegaanka Hilowle Gaab, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in miinada lala eegtay kolonyo uu la socday guddoomiye ku xigeenka degmada Kaxda Jimcaale Dhoosh, kaas oo qayb ka ahaa howlgallada xoreynta ee ka socda aagga degmadaasi, waxaana soo gaaray dhaawac, sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale waxaa qaraxa goobta howlgallo ka sameeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee todobaadkii hore la wareegay halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha ay weli ka socdaan howlgallada xoreynta ee ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here