R/W Ku-xigeenka oo ka qeyb galay shir looga hadlayay ka hor-taga saboolnimada

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay shir lagusoo bandhigayay qorshaha wada-xaajoodka iyo ka hor-taga saboolnimada qaybaheeda kala duwan.

 

Shirka ayaa looga hadlay hannaankii looga loo yarayn lahaa saboolnimada iyo faqriga, iyadoo lagu jaangoynayo qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee yaraynta saboolnimada iyo faqriga.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda qorshahani u leeyahay dadka Soomaaliyeed oo aan warbixinno sugan laga hayn heerka saboolnimada ee dhinacyada badan leh.

Shirka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxa qayb ka ahaa hay’adaha Soomaaliya ka taageera arrimaha bani’aadantimada iyo ka hortagga yaraynta saboolnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here