Faah-faahino kasoo baxaya duqeyn ka dhacday gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ay ka dhacday duleedka degmada Galcad ee gobolkaasi.

 

Duqeynta ayaa waxaa lasoo wariyay in lala eegtay fariisimo ay Al-Shabaab ku leeyihiin halkaasi, waxaana jira khasaare xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare lixaad leh ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, welina uu socdo howlgalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi cirka ah.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ka socday howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here