Madaxweynaha JFS oo qaabilay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia

0

ADDIS ABABA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degen-yahay magaalada Addis Ababa ku qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia, waxayna ka wada hadleen arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

 

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyay ugana mahadceliyay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia garab istaagga dhabta ah iyo taageerada ay u muujiyeen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guulaysatay inay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee  Golaha Ammaanka  ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.

Kulankan waxaa Madaxweynaha JFS kala qayb galay qaar kamid ah xubnaha wafdigiisa oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa markii kulanka uu soo idlaaday waxa uu Warbaahinta Qaranka uga waramay waxyaalihii looga arrinsaday kulankan, isagoona sheegay in kulankani uu muhiimad gaar ah u lahaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here