Faah-faahino kasoo baxaya hoobiyeyaal lagu garaacay suuqa Bakaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyayaal ah oo goordhow ku dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

Hoobiyeyaasha ayaa dhaliyay khasaare u badan dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa suuqa, xilliga uu dhacayay weerarka.

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo shacab ah, sida ay sheegayaan Wariyeyaal ka tirsan Shabelle oo goobta tegay/

Sidoo kale waxaa istaagay inta badan ganacsigii suuqa, ayada oo lagu kala cararay markii ay soo dhaceen hoobiyeyaasha.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana sidoo kale suuqa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda  federaalka Soomaaliya.

Halkam hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here