Faah faahino ka soo baxaya howl-gallada ka socda Kismaayo

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weli ciidamada Jubbaland ay howl-gallo ka wadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Howl-gallada ayaa daba socda qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay magaaladaasi, kaas oo ay waxyeelo isugu jirto dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay koox ciyaartoy ah.

Taliska Booliska Jubbaland oo ka hadlay howl-galladaas ayaa shaaca ka qaaday inay ku daba-jiraan kooxihii ka dambeeyey qaraxii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, wuxuuna taliska intaasi kusii daray inay dib ka shaacin doonaan natiijada baaristooda.

Qaraxa ka dhacay xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa ku soo aadaya, xilli ay Kismaayo ka bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here