Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Jowhar + khasaaraha

0

JOWHAR (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay bartamaha magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in qaraxa uu ahaa miino, isla-markaana lala eegtay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa laba xildhibaan oo kala ahaa Maxmed Cabdi Cali & Cabdiraxmaan Cabdi Iidow, kuwaas oo la geeyey isbitaalka Jowhar.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi, balse ciidamada Booliska ayaa saaka howl-gallo ka sameeyey xaafado ka tirsan Jowhar.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa caasimadda HirShabelle ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan qaraxyo geystay khasaarooyin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here