Faah faahino ka soo baxaya weerar xalay ka dhacay magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weerarka, kadib uu dagaal foolka fool ah ka dhacay halkaasi, kaas oo saacado kooban socday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay, balse haatan xaaladda guud ayaa ah mid deggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here