Sawirro: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u amba-baxay magaalada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo u kuur galay habsami u socodka howlaha garoonka, ka hor intii uusan socdaal ugu ambabixin magaalada Baraawe.

Ujeedka kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ahaa mid uu ugu guur galayay howlaha baaxadda leh ee ka socda garoonka, isagoo kormeeray qeybaha kala duwan ee garoonka. wuxuuna xog wareystay bulshadii Soomaaliyeed ee xiligaas loo adeegayay.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Baraawe, halkaas oo kaga sii horeeyo madaxweynaha Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here