Faahfaahino ka soo baxaya weerar culus oo ka dhacay magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

 

Weerarka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu qaaday xildhibaan Dhaashane oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in weerarka ay ku beegsadeen hoyga xildhibaanka, balse ma jiro khasaare la soo wariyay oo ku aadan dhacdadaasi.

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane ayaa shalay si adag uga hadlay doorashada degmooyinka gobolka Nugaal ee aan weli la qaban, taas oo loo aaneynayo weerarka lagu qaaday.

Dhaashane oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay weerarka lagu qaaday, isaga oo ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan caasimadda Garoowe ayaa xalay dariiqyada ku arkay digniin ku socota Baarlamanka oo loogu baaqay in uusan furin Dastuurka.

Dadweynaha degan aaga xarunta Baarlamaanka ayaa laga dalbaday inay ka fogaadaan halkaasi.

Puntland weli waxaa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaradka ay diidan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here