Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo taliyaha AFRICOM?

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley oo booqasho ku gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo.

 

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Sarakiisha Howlgalka AFRICOM, ATMIS, Sarakiisha Hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada xooga dalka oo uu Gudoomiyay Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee Amniga iyo bilowga wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha AFRICOM ayaa Jubbaland u ballan qaaday inay ka gacan siinayaan dagaalka Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaanada maamulkaas, gaar ahaan Jubbooyinka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here