Faahfaahino kasoo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay degmada Xamarweyne

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka dhacay suuqa degmada Xamarweyne, gaar ahaan qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday meelo ka mid ah suuqa Dahablaha iyo kawaanka Hilibka.

 

Dabkan oo saacado badan qaatay ayaa markii dambe waxaa damintiisa ku guulaystay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanayaa Shirkadda Hormuud iyo dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan uu gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, waxaana ku gubtay goobo ganacsi oo ku yiilay halkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Madaale oo goobta tegay ayaa sheegay in guddi ay u xilsaari doonaan dhibaatada ka dhalatay dabkaasi, isaga oo u tacsiyeeyay ganacsatadii ku hanti beeshay dabka xalay ka kacay gudaha suuqa degmada Xamarweyne.

“Dadaal dheer oo la sameeyay kadib waa lagu guulaystay in la damiyo dabka waxaan aad iyo aad ugu mahadcelineynaa hay’adihii amniga oo si hagar la’aan ah uga qayb qaatay, sidaas oo kale waxaan u mahadcelineynaa Hormuud oo qaybteeda ka qaadatay oo isla markii soo dirtay dab damisyo” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Inta badan suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka kaca xilliyada habeenkii ah dab xoogan oo dhaliya khasaarooyin, kuwaas oo soo laa laabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here