Saddex gabdhood oo ku dhintay xeebta magaalada Kismaayo

0
default

KISMAAYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Jimcihii shalay xeebta Liido ee Kismaayo ay ka dhacday dhacdo xanuun badan, kadib markii ay baddu la tegtay saddex gabdhood oo u dabaal u tegay halkaasi.

 

Mid kamid ah sdddexda gabdhood ayaa la helay maydkeeda, halka labada kale weli la’yahay, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale ciidamada badda Jubbaland ayaa haatan wada dadaallo dheeraad ah oo ay ku baadi-goobayaan labada gabdhood ee lagu wayay xeebta Kismaayo.

Dhacdadan ayaa kuso aadeyso, ayada oo haatan xaalad adag ay ja taagan tahay Jubbaland oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad xoogan oo sababay khasaarooyin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here