Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gobolka Gedo

0

Garbahaarey (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Gedo.

 

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaatay ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degaanka Geriley oo ay dhawaan isaga baxeen ciidamada ATMIS.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu dagaal qaraar ka dhacay halkaasi, kaas oo u dhexeeyay labada dhinac, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in deegaanka la weeraray ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here