Fahad Yaasiin oo xalay kulan la qaatay saraakiisha laamaha ammaanka dalka

0

MUQDISHO (SMN) – La-taliyaha amniga qaranka, Fahad Yaasiin ayaa xalay xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay dhammaan saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaha ciidamada Xoogga dalka, taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, taliyaha NISA ee dhowaan magacaabay Yaasiin Farey madaxweynaha, taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulankan ay goob-joog ahaayeen duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish iyo sidoo kale xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shirkan intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, maadaama doorasho la galayo iyo xaaladaha soo kordhay ee dalka.

Si kastaba, kulankani ayaa waxa ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Villa Soomaaliya taagan tahay xiisad u dhexeyso madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here