Shirweyne muhiim ah oo maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ahna kusimaha madaxweynaha Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka daah furay Shirka  xiriirinta dadaalada dowladaha hoose ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen maamulada degmoyinka uu kashaqeeyo mashruuca hormarineed ee JPLG ayaa kala ah degmooyinka Hobyo,Caabudwaaq, Gaalkacyo, Cadaado, Balanballe iyo Dhuusamareeb waxaana soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug, iyadoo ujeedada shirkan lagu sheegay in ay tahay isku xirka degmooyinka Galmudug  ee dhaqala ahaan soo koraya, si dhowaan loo gaaro isku filnaan maamul oo gaarta heerka ugu hooseeya lana xoojiyo la dagaalanka musuqa si kobaca dhaqaale ee lagaaray usii socdo.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha guddaha ahna kusimaha Wasiirka mudane Axmed Xasan Cali “Ahmed Dhere” ayaa furitaanka shirka ka sheegay in Wasaaradd ay dadajinayso dhismaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka dhiman, taa oo meel fiican marayso loona baahanyahay in degmoyinku baahiyahooda lasoo wadaagaan si ay Wasaaradda iyo degmoyinku kaga wadashaqeeyaan xalinta caqabadaha haysta degmooyinka si loo helo dowlad hoose oo hormarsan.

Qaar ka mid ah Guddoomiyasha oo kulankan ka qeyb galay oo,iyana hadalka qaatay ayaa tilmaamey faa’iidada kulankan u leeyahay maamulada kala duwan oo ay xuseen in ay halkan ka yeelan doonaan iskaashi dhameystiran.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ahna kusimaha Madaxwaynaha Cali Daahir Ciid ayaa si rasmi ah u furay shirkan,isagoo bogaadiyay u jeediyay abaabulkan ay sameysay Wasaaradda arrimaha guddaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here