Galmudug oo dhaarisay Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Garyaqaanka Guud ee dowlad-goboleedka

0

DHUUSAMAREEB – Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa ka qeybgalay munaasabadda dhaarinta Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Garyaqaanka Guud ee dowlad-goboleedka Galmudug.

 

Munaasabadda dhaarinta oo ay goob joog ka ahaayeen Hoggaamiye Ku-xigeenka Galmudug, Cabdiwali Ibraahim Garyare, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Xuseen Maxamed Nuur, iyo Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda Caddaaladda, ayaa mas’uuliyiinta cusub lagu mariyey dhaarta dastuuriga ah ee xilalka loo igmaday.

Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee saaran, gaar ahaan ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo xaqiijinta caddaaladda.

Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay hay’adaha sharcigu u leeyihiin dhismaha dowladnimada, sugidda cadaaladda iyo xoojinta sarreynta sharciga.May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here