MUQDISHO – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Cismaan Dubbad.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti ee dhinacyada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, iyo sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen ilaalinta, kobcinta iyo horumarinta hiddaha iyo dhaqanka ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu ballaarin karo wada-shaqeynta hay’adaha warbaahinta ee labada dal, si loo xoojiyo xiriirka bulshada iyo is-dhaafsiga dhaqanka. Kulanka kaddib, Wasiirka Warfaafinta Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Safiirka Jabuuti, Cismaan Dubbad, ayaa booqday xarumaha Warbaahinta Qaranka iyo Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka (Tiyaatarka Qaranka).
Hobollada Qaranka ee Waaberi ayaa Wasiirka iyo Safiirka si diirran ugu soo dhaweeyay Tiyaatarka Qaranka, iyagoo halkaasi ku soo bandhigay heeso ka tarjumayay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.




