Galmudug oo la wareegtay ceel biyood ay ku dagaalameen laba beelood

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka degmada Dhuusamareeb, Mudane Cabdisamad Salaad Aadan ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu la wareegay ceel biyood ay maalmo ka hor ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed oo walaala ah.

 

Cabdisamad Salaad ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya maamulka Galmudug ceel biyood uusan ka warqabin aan laga qodi karin deegaanada maamulkaasi.

Ceel biyoodkan ayaa la sheegay in ay ku dagaalameen labo maleeshiyo Beeleed oo kasoo kala jeeda Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana uu ku yaallaa deegaanka Xananbuure.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii dartay in Galmudug ay sharci kasoo saartay qodista ceel biyoodyada, isaga oo tilmaamay in meeshii ceel looga baahdo laga qodi doono meeshaan u baahneyna laga joojin doono.

Indhawaanahan waxaa socotay waan-waan laga dhex wado beelo waĺaalo ah oo ku dagaalamay qeybo kamid ah Galmudug, waxaana xiliyada qaar ka dhaca dagaallo ka dhasha ceel biyoodyo iyo dhul daaqsin oo isku qabtaan beelaha wada daga halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here