R/W ku xigeenka XFS oo war cusub kasoo saaray xaaladda dalka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka Deg-degga ah (NEOC) ee Hay’adda Maareynta Mosiibooyinka SoDMA.

 

Ra’iisul Wsaare Saalax ayaa kormeeray sida ay howsha gurmadka u socto, isaga oo booqday qaybaha kala duwan ee xarunta NEOC , waxaana xaruntaan soo dhaweeyn ugu sameeyey guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Mahamuud Moallim Abdulle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo kormeeray Qaybaha kal duwan ee ka koobantahay Xarunta Qaran ee Howlgalada Gurmadka Degdega ee NEOC oo ay ka shaqeeynayaan howlwadeenada  kal duwan ee Hay’adda SoDMA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixinnada ugu danbeeyay ka dhageeystay agaasinka Xarunta NEOC, saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka oo marba markii ka danbeeysa sii siyaadeeyso saameeynta uu yeelanayo xaaladda roobab da’ay.

Hay’adda SoDMA ayaa diyaarisay Shan Doomood oo qayb ka noqon doona gurmadka Dadka ku xaniman Fatahaada, duuman kan ayaa la gaarsiin doonaa deegaanada ugu nugul ay Fatahaada saameeysay.

Mudane Saalax ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool gobollada #Gedo, #Bakool, #Baay iyo qabyo kamid ah gobolada kale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS ayaa sheegay in baahi weyn maanta loo qabo ganacsatada diyaradaha, loona baahanyahay in gurmadkaan ka qayb qataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here