Galmudug oo soo dhaweysay guddiyada doorashooyinka ee la shaaciyey

0

Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa soo dhaweeyay guddiyada Doorashooyinka ee uu xalay magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Dadaal dheer iyo kala hufid ka dib, RW Mohamed Hussein Roble wuxuu caaway soo saaray liiskii guddiyada doorashooyinka ee la wada sugayay, tallaabadan oo horseed u noqonaysa in dalku uu aado doorasho xor iyo xalaal ah, Raysulwasaaruhuna uu ka soo dhalaalay ballanqaadkiisii”. Ayuu yiri Wasiir Axmed Fiqi.

Wasiirka Amniga ee Galmudug ayaa xusay in qeybaha kala duwan ee bulshada looga fadhiyo inay taageeraan oo ay gacan ka geystaan hirgelinta doorashada.

Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri “Bani’aadam tabasho kama dhamaato, hawl bani’aadam qabtayna ma dhammaystirna, balse dowrka hogaamineed ee uu qaatay Raysulwasaare Rooble, ayadoo ay jireen culaysyo kala duwan ee uu waajahayey wuxuu mudan yahay bogaadin iyo taageero iyo in gacan lagu siiyo hawlaha dhiman dhammaystirkooda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here