Midowga musharaxiinta mucaaradka oo farriin culus u diray Somaliland

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay aad uga xun yihiin xadgudubka lagula kacay dadka Soomaaliyeed ee laga soo raafay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa sidoo kale farriin culus u diray Somaliland, waxayna ka dalbadeen inay joojiso masaafurinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi.

“Midowga musharaxiinta oo ka damqanaya ku xadgubka lagula kacay sharafka iyo hantida dadka qasabka lagu barakiciyey ayuu madaxda Somaliland ugu baaqayaa in ay falkaas ka fiirsadaan, degdegna u joojiyaan,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee musharaxiinta.

Dhinaca kale midowga musharaxiinta ayaa baaq u diray culimada, odayada dhaqanka, aqoonyahanka, indheergaradka iyo waxgaradka ka soo jeeda Somaliland, waxayna isla qoraalkaas ku xuseen “In ay hor istaagaan falkaa gurracan ee dhaawacaya walaalnimada, ehelnimada iyo ummadnimada ka dhaxaysa dadka Soomaaliyeed.”

Halkan hosoe ka aqriso:-

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here