Muqdisho, Soomaaliya – 17 Oktoobar 2026 – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda 25-aad ee kalfadhiga 8-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyadoo kulanka uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehelinayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha, Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn, xildhibaannada ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dheddigga, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Warbixinta akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedkan waxaa Golaha la wadaagtay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi.
Sidoo kale, xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah ka ganacsiga sharci-darrada ah ee dawooyinka maanka dooriya iyo kuwa saameeya hab-dhiska maskaxda.
Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha ayaa loo qaybiyey warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharci Lr. 130 ee soo baxay Abriil 2012, iyo warbixinta akhrinta saddexaad ee heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee garsoorka.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dheddigga iyo Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah ka ganacsiga sharci-darrada ah ee dawooyinka maanka dooriya iyo kuwa saameeya hab-dhiska maskaxda ay ka gudbeen marxaladda akhrinta koowaad.
Guddoomiyaha ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka inuu hindise-sharciyeedka iyo heshiiska ku wareejiyo guddiyada ku shaqada leh, si ay u soo diyaariyaan akhrinta labaad, kaddibna ay dib ugu soo celiyaan Golaha.




