Muqdisho – Madaxweyne ku-xigeenka Afrika iyo Bariga Dhexe ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA), Kamil H. Al-Awadhi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Muqdisho.
Booqashadan ayaa taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay qaabbisho wafdi heer sare ah oo ka socda hoggaanka IATA, taas oo muujinaysa horumarka laga sameeyey nidaamka duulista rayidka ee dalka iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya la leedahay hay’adaha caalamiga ah ee duulista.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan, ayaa wafdiga ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in booqashadu ay ka tarjumayso horumarka ay Soomaaliya ka gaartay nidaamka duulista hawada iyo xiriirka ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah.
“Dalkeenna wuxuu sameeyey horumar degdeg ah oo la xiriira nidaamka duulista caalamiga ah. Taasi waa waxa keenay booqashadan taariikhiga ah ee maanta ay Muqdisho ku soo gaareen hoggaanka sare ee IATA,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macallin Xasan. Booqashada wafdiga IATA ayaa sidoo kale la xiriirta dib-u-soo-celinta nidaamka caalamiga ah ee tigidhada diyaaradaha ee IATA-BSP, kaas oo Soomaaliya ay dib u hawlgelinayso markii ugu horreysay tan iyo burburkii dalka.
Nidaamka IATA-BSP waa hannaan caalami ah oo fududeeya iibinta iyo maaraynta tigidhada diyaaradaha, isla markaana gacan ka geysta xoojinta xiriirka shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha safarka. Dib-u-soo-celintiisa ayaa la filayaa inay Soomaaliya u abuurto fursado cusub oo lagu horumarinayo adeegyada duulista, laguna fududaynayo isku-xirka dalka iyo dunida.
Munaasabad la xiriirta dib-u-soo-celinta nidaamka IATA-BSP iyo xoojinta iskaashiga 35-ka sano jirsaday ee u dhexeeya Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo IATA ayaa lagu wadaa inay berri, 18-ka Oktoobar 2026, ka dhacdo Muqdisho. Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa horumarka ay samaysay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo wejiga xiga ee qorshaheeda, kaas oo la xiriira isu-diyaarinta kormeerka iyo qiimeynta Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).
Soo dhoweynta wafdiga IATA waxaa ka qaybgalay Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Ayuub Cabdullaahi Ibraahim; mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda; u qaybsanaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka Soomaaliya ee IATA, Injineer Mursal Maxamed Cabdi; Madaxweyne ku-xigeenka Ururka Wakaaladaha Safarka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA), Maxamed Abukar Maxamed; iyo Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga IBS, Cabdirisaaq Cali Warsame.
Booqashadan ayaa ku soo aadaysa xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto horumarinta adeegyada duulista rayidka, dib-u-hawlgelinta nidaamyada caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee dhinaca duulista.




