Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la dhaariyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Saadaq Cumar Xasan, oo dhowaan loo magacaabay xilkaasi.
Kulanka 31-aad ee kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ay wehliyeen guddoomiye ku-xigeennada Golaha.
Dhaarinta Wasiirka cusub kaddib, xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Koowaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Diiwaangelinta iyo Ruqsad-siinta Ganacsiga iyo Hindise-sharciyeedka Sharciga Asalka Badeecadaha, kuwaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Golaha u faahfaahiyey qodobada labada hindise-sharciyeed iyo muhiimadda ay u leeyihiin dalka, isaga oo ka jawaabay su’aalo ay xildhibaannadu ka weydiiyeen mabaadi’da guud ee sharciyadan.
Maadaama labada hindise-sharciyeed ay marayeen Akhrinta Koowaad, sida uu dhigayo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, dood rasmi ah lagama furin, balse xildhibaannada ayaa su’aalo la xiriira nuxurka iyo ujeeddooyinka sharciyada weydiiyey wasiir ku-xigeenka.
Gabagabadii kulanka, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in labada hindise-sharciyeed ay ka gudbeen Akhrinta Koowaad, isaga oo faray Xoghayaha Guud ee Golaha in loo gudbiyo guddiyada ku shaqada leh, si ay usoo diyaariyaan Akhrinta Labaad.
Dhanka kale, xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey warbixinnada Akhrinta Labaad ee Hindise-sharciyeedka Booliiska Soomaaliyeed iyo Heshiiska BBNJ ee Qaramada Midoobay, kaas oo ku saabsan ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala-duwanaanshaha noolaha badda ee aagagga ka baxsan awoodda qaran.




