Wasiirka Dekedaha iyo Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kormeeray howlaha horumarineed ee dekedda

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cumar Macallin, iyo Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), oo ay wehliyaan maareeye ku-xigeennada dekedda, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay qeybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho.

 

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ugu horreyn kormeeray dhismaha waddooyinka gudaha dekedda, kuwaas oo ay ka socdaan howlo dayactir iyo dib-u-habeyn ah, iyo xafiisyo cusub oo casri ah oo dhismahoodu socdo.

Sidoo kale, wafdiga ayaa booqday goobaha ay maraakiibtu ku soo xirtaan, xafiisyada maamulka dekedda iyo Kastamka Guud ee Dekedda Muqdisho, iyagoo u kuurgalay howlaha shaqo iyo adeegyada ka socda qeybahaasi.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Dekedaha iyo maamulka dekedda ee lagu dardargelinayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-habeynta waddooyinka gudaha dekedda iyo casriyeynta adeegyada ay Dekedda Muqdisho u fidiso ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here